99 : 1
إِذَا زُلْزِلَتِ ٱلْأَرْضُ زِلْزَالَهَا
1. Marka arlada la gilgilo gilgilashadeeda daran (Qiyaamada).
99 : 2
وَأَخْرَجَتِ ٱلْأَرْضُ أَثْقَالَهَا
2. Oo arladu soo bixiso culeysyadeeda (wixii ku aasnaa),
99 : 3
وَقَالَ ٱلْإِنسَـٰنُ مَا لَهَا
3. Aadmigu yidhaahdo: Maxay leedahay?
99 : 4
يَوْمَئِذٍ تُحَدِّثُ أَخْبَارَهَا
4. Maalintaas waxay ka warrami akhbaarteeda.
99 : 5
بِأَنَّ رَبَّكَ أَوْحَىٰ لَهَا
5. Inuu Rabbigaa u waxyooday darteed.
99 : 6
يَوْمَئِذٍ يَصْدُرُ ٱلنَّاسُ أَشْتَاتًا لِّيُرَوْا۟ أَعْمَـٰلَهُمْ
6. Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri rac rac si loo tusiyo 'jazaha' acmaashooda.
99 : 7
فَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ خَيْرًا يَرَهُۥ
7. Ee qofkii fala samaan le’eg saxar wuu arki,
99 : 8
وَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ شَرًّا يَرَهُۥ
8. Qofkii falana xumaan le’eg saxar wuu arki.