97 : 1
إِنَّآ أَنزَلْنَـٰهُ فِى لَيْلَةِ ٱلْقَدْرِ
1. Waxaanu xaqiiq soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qadarka.
97 : 2
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا لَيْلَةُ ٱلْقَدْرِ
2. Maxaa ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qadarku yahay?
97 : 3
لَيْلَةُ ٱلْقَدْرِ خَيْرٌ مِّنْ أَلْفِ شَهْرٍ
3. Habeenka Qadarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood [1].
97 : 4
تَنَزَّلُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِم مِّن كُلِّ أَمْرٍ
4. Malaa’igta iyo Jabriil baa la soo dega (habeenkaa) Idanka Rabbigood arrin walba oo xukun ah,
97 : 5
سَلَـٰمٌ هِىَ حَتَّىٰ مَطْلَعِ ٱلْفَجْرِ
5. Nabad weeye (habeenkaa) ilaa waagu ka baryo [2].