96 : 1
ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
1. Ku akhri 'Nabiyow' Magaca Rabbigaa ee abuuray (wax waliba).
96 : 2
خَلَقَ ٱلْإِنسَـٰنَ مِنْ عَلَقٍ
2. Ka abuuray aadmiga xinjir.
96 : 3
ٱقْرَأْ وَرَبُّكَ ٱلْأَكْرَمُ
3. Akhri! Rabbigaana waa Sharaf Badnaha,
96 : 4
ٱلَّذِى عَلَّمَ بِٱلْقَلَمِ
4. (Dadka) baray sida wax loogu qoro qalinka.
96 : 5
عَلَّمَ ٱلْإِنسَـٰنَ مَا لَمْ يَعْلَمْ
5. Baray Aadmiga wax uusan aqoon.
96 : 6
كَلَّآ إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ لَيَطْغَىٰٓ
6. Mayee! Aadmigu (kan gaalka ahi) wuu xadgudbaa oo kibraa.
96 : 7
أَن رَّءَاهُ ٱسْتَغْنَىٰٓ
7. Markuu isku ogaado Hodantinnimo iyo deeqtoonaan.
96 : 8
إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجْعَىٰٓ
8. Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku.
96 : 9
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يَنْهَىٰ
9. Ka warran midka ka reeba.
96 : 10
عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰٓ
10. Addoon (Alle) oo tukan salaad?
96 : 11
أَرَءَيْتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلْهُدَىٰٓ
11. Bal ka warran hadduu ku sugan yahay (addoonkaa) jid toosan?
96 : 12
أَوْ أَمَرَ بِٱلتَّقْوَىٰٓ
12. Amaba uu amro Alle ka cabsiga iyo xume ka dhowrsiga?
96 : 13
أَرَءَيْتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ
13. Bal ka warran hadduu kaasina (gaalka ahi) beeniyo Xaqa, kana jeesado?
96 : 14
أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ
14. Mawuusan ogeyn in Alle arko?
96 : 15
كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًۢا بِٱلنَّاصِيَةِ
15. Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban foodda,
96 : 16
نَاصِيَةٍ كَـٰذِبَةٍ خَاطِئَةٍ
16. Food beenley ah oo gefley ah.
96 : 17
فَلْيَدْعُ نَادِيَهُۥ
17. Ha u yeedho golihiisa.
96 : 18
سَنَدْعُ ٱلزَّبَانِيَةَ
18. Waxaanu u yeedhi malaa’ig daran.
96 : 19
كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَٱسْجُدْ وَٱقْتَرِب ۩
19. Mayee, ha adeecin oo sujuud, una dhowow (Alle).