89 : 1
وَٱلْفَجْرِ
1. Waxaan ku dhaartay waaberiga,
★
89 : 2
وَلَيَالٍ عَشْرٍ
2. Iyo habeennada tobanka ah [1].
★
89 : 3
وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ
3.Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer).
★
89 : 4
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَسْرِ
4. Iyo habeenka markuu (soo galo ama) baxo.
★
89 : 5
هَلْ فِى ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِى حِجْرٍ
5. Miyey dhaarahaasi ahayn wax uu ku qanco in loogu dhaarto qof caqli leh?
★
89 : 6
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ
6. Mawaadan ogaan sida (Alle) Rabbigaa u galay (reer) Caad?
★
89 : 7
إِرَمَ ذَاتِ ٱلْعِمَادِ
7. Qolodii Iram, ee xoogga lahaa, aadna u dhaadheeraa [2].
★
89 : 8
ٱلَّتِى لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِى ٱلْبِلَـٰدِ
8. Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka.
★
89 : 9
وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُوا۟ ٱلصَّخْرَ بِٱلْوَادِ
9. Iyo (siduu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad).
★
89 : 10
وَفِرْعَوْنَ ذِى ٱلْأَوْتَادِ
10. Iyo (siduu u galay) Fircoon, ee tiirarka lahaa (iyo ciidammada tirada badan)?
★
89 : 11
ٱلَّذِينَ طَغَوْا۟ فِى ٱلْبِلَـٰدِ
11. Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka.
★
89 : 12
فَأَكْثَرُوا۟ فِيهَا ٱلْفَسَادَ
12. Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda?
★
89 : 13
فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ
13. Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah.
★
89 : 14
إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلْمِرْصَادِ
14. Xaqiiq, Rabbigaa baa u jeeda (addoomahiisa) oo gaar ka haya.
★
89 : 15
فَأَمَّا ٱلْإِنسَـٰنُ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكْرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَكْرَمَنِ
15. Aadmiga (kan gaalka ahi), markuu Rabbigi imtixaano oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay.
★
89 : 16
وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَهَـٰنَنِ
16. Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday.
★
89 : 17
كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ ٱلْيَتِيمَ
17. Mayee’ ma daryeeshaan agoonka.
★
89 : 18
وَلَا تَحَـٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
18. Oo iskuma boorrisaan in masaakiinta wax la siiyo.
★
89 : 19
وَتَأْكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا
19. Waxaadna cuntaan dhaxalka cunid xaqdarro ah.
★
89 : 20
وَتُحِبُّونَ ٱلْمَالَ حُبًّا جَمًّا
20. Oo aad jeceshihiin maalka jaceyl daran.
★
89 : 21
كَلَّآ إِذَا دُكَّتِ ٱلْأَرْضُ دَكًّا دَكًّا
21. Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo,
★
89 : 22
وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا
22. Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah.
★
89 : 23
وَجِا۟ىٓءَ يَوْمَئِذٍۭ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكْرَىٰ
23. Oo la keeno Maalintaas Naarta. Maalintaas buu Aadmigu (gaalku) waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari?
★
89 : 24
يَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى قَدَّمْتُ لِحَيَاتِى
24. Wuxuu odhan: Alla haddaan u soo hormarsan lahaa wanaag noloshaydatan (Aakhirada).
★
89 : 25
فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٌ
25. Maalintaas, cidna wax uma cadaabto (si daran sida) Cadaabka (Alle) oo kale.
★
89 : 26
وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٌ
26. Cidna wax uma xidho (si adag sida),
Xidhidda (Alle) oo kale.
★
89 : 27
يَـٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفْسُ ٱلْمُطْمَئِنَّةُ
27. (Waxaa lagu odhan mu'minka): Naf yahay xasillooneey.
★
89 : 28
ٱرْجِعِىٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةً مَّرْضِيَّةً
28. U noqo Rabbigaa, adigoo raalli ah oo raalli lagaa yahay.
★
89 : 29
فَٱدْخُلِى فِى عِبَـٰدِى
29. Ee gal addoomaheyga (wanaagsan) dhexdood.
★
89 : 30
وَٱدْخُلِى جَنَّتِى
30. Gal Jannadeyda.
★