86 : 1
وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
1. Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.
★
86 : 2
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ
2. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?
★
86 : 3
ٱلنَّجْمُ ٱلثَّاقِبُ
3. Waa xiddiggaa iftiinka badan.
★
86 : 4
إِن كُلُّ نَفْسٍ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌ
4. Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag).
★
86 : 5
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَـٰنُ مِمَّ خُلِقَ
5. Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray.
★
86 : 6
خُلِقَ مِن مَّآءٍ دَافِقٍ
6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.
★
86 : 7
يَخْرُجُ مِنۢ بَيْنِ ٱلصُّلْبِ وَٱلتَّرَآئِبِ
7. Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood,
★
86 : 8
إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجْعِهِۦ لَقَادِرٌ
8. Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib).
★
86 : 9
يَوْمَ تُبْلَى ٱلسَّرَآئِرُ
9. Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda).
★
86 : 10
فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ
10. Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna.
★
86 : 11
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجْعِ
11. Waxaan ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda.
★
86 : 12
وَٱلْأَرْضِ ذَاتِ ٱلصَّدْعِ
12. Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),
★
86 : 13
إِنَّهُۥ لَقَوْلٌ فَصْلٌ
13. Xaqiiq, kani (Qur'aanku) waa hadal cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka).
★
86 : 14
وَمَا هُوَ بِٱلْهَزْلِ
14. Oo ma aha dhayal (dheel).
★
86 : 15
إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا
15. Xaqiiq (gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn.
★
86 : 16
وَأَكِيدُ كَيْدًا
16. Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe.
★
86 : 17
فَمَهِّلِ ٱلْكَـٰفِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًۢا
17. Ee u sug gaalada: Daa wax yar.
★