84 : 1
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتْ
1. Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada).
★
84 : 2
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ
2. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;
★
84 : 3
وَإِذَا ٱلْأَرْضُ مُدَّتْ
3. Marka arlada la fidiyo,
★
84 : 4
وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ
4. Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato,
★
84 : 5
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ
5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo [1].
★
84 : 6
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَـٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَـٰقِيهِ
6. Qofyahow! Waad dhibboon oo u camal fali xagga Rabbigaa, waadna la kulmi [2].
★
84 : 7
فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ
7. Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,
★
84 : 8
فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا
8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
★
84 : 9
وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا
9. Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan.
★
84 : 10
وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهْرِهِۦ
10. Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,
★
84 : 11
فَسَوْفَ يَدْعُوا۟ ثُبُورًا
11. Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'.
★
84 : 12
وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا
12. Oo geli naar ololeysa oo hur badan.
★
84 : 13
إِنَّهُۥ كَانَ فِىٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا
13. Wuxuu ahaa xaqiiq mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan.
★
84 : 14
إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ
14. Wuxuu xaqiiq moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga).
★
84 : 15
بَلَىٰٓ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرًا
15. Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday.
★
84 : 16
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلشَّفَقِ
16. Mayee, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;
★
84 : 17
وَٱلَّيْلِ وَمَا وَسَقَ
17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;
★
84 : 18
وَٱلْقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ
18. Iyo dayaxa markuu buuxsamo.
★
84 : 19
لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍ
19. Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).
★
84 : 20
فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa?
★
84 : 21
وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ ٱلْقُرْءَانُ لَا يَسْجُدُونَ ۩
21. Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?
★
84 : 22
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُكَذِّبُونَ
22. Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa).
★
84 : 23
وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ
23. Oo Alle waa og yahay waxay qarsan.
★
84 : 24
فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
24. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
★
84 : 25
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۭ
25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e).
★