82 : 1
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتْ
1. Markay samada dildillaacdo.
★
82 : 2
وَإِذَا ٱلْكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتْ
2. Markay xiddiguhu daataan oo kala firdhaan.
★
82 : 3
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ فُجِّرَتْ
3. Marka badaha laysku furo oo soo fatahaan.
★
82 : 4
وَإِذَا ٱلْقُبُورُ بُعْثِرَتْ
4. Marka qabuuraha la soo qufo.
★
82 : 5
عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ
5. Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib marisay (khayr ama shar oo laga jaazeyn).
★
82 : 6
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَـٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلْكَرِيمِ
6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?
★
82 : 7
ٱلَّذِى خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ
7. Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?
★
82 : 8
فِىٓ أَىِّ صُورَةٍ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ
8. Suuradduu doonana kuu sameeyey?.
★
82 : 9
كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ
9. Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta).
★
82 : 10
وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَـٰفِظِينَ
10. Waxaana xaqiiq korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya.
★
82 : 11
كِرَامًا كَـٰتِبِينَ
11.Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),
★
82 : 12
يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ
12. Ogsoon wax kastoo aad fashaan.
★
82 : 13
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
13. Hubaal, baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno).
★
82 : 14
وَإِنَّ ٱلْفُجَّارَ لَفِى جَحِيمٍ
14. Oo hubaal xume falayaashu waxay ku sugnaan Naar ololaysa.
★
82 : 15
يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ ٱلدِّينِ
15. Ay geli oo ku guban Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta).
★
82 : 16
وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَآئِبِينَ
16. Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta).
★
82 : 17
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
17. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?
★
82 : 18
ثُمَّ مَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?
★
82 : 19
يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌ لِّنَفْسٍ شَيْـًٔا ۖ وَٱلْأَمْرُ يَوْمَئِذٍ لِّلَّهِ
19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah.
★