80 : 1
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
1. (Wejiguu) kuduuday oo jeesaday (Nebiga s.c.w),
80 : 2
أَن جَآءَهُ ٱلْأَعْمَىٰ
2. Inuu u yimid indhoolihii [1] darteed,
80 : 3
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ
3. Miyaadse ogtahay waa intaasoo uu dooni inuu hanuuno oo is daahiriyo,
80 : 4
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكْرَىٰٓ
4. Ama waansamo, oo waanadu anfacdo.
80 : 5
أَمَّا مَنِ ٱسْتَغْنَىٰ
5. Kan is deeqtoonsiiya (ee isla weyn),
80 : 6
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ
6. Miyaad adigu u banbixi,
80 : 7
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
7. Eedna kaama saarna hadduusan hanuunin oo daahirin naftiisa,
80 : 8
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسْعَىٰ
8. Kan se kuu yimid isagoo dadaalaya,
80 : 9
وَهُوَ يَخْشَىٰ
9. Oo (Alle ka) baqa,
80 : 10
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ
10. Miyaad adigu ka mashquuli.
80 : 11
كَلَّآ إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ
11. Mayee, Aayadahani waa waano.
80 : 12
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
12. Ee qofkii doona ha ku waano qaato.
80 : 13
فِى صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ
13. Waxay ku sugan tahay (waanadan) kutub la sharfay (Looxa Maxfuudka).
80 : 14
مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍۭ
14. Kor ah, la dahiray.
80 : 15
بِأَيْدِى سَفَرَةٍ
15. Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig).
80 : 16
كِرَامٍۭ بَرَرَةٍ
16. Sharaf leh oo baariyaal ah.
80 : 17
قُتِلَ ٱلْإِنسَـٰنُ مَآ أَكْفَرَهُۥ
17. Belo ha ku dhacdo aadmigee (waa kan gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay!
80 : 18
مِنْ أَىِّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ
18. Muxuu Alle ka abuuray?
80 : 19
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ
19. Dhibic mani ah buu ka abuuray wuuna ekeeyey.
80 : 20
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ
20. Markaas uga dhigay sahal dhabbaha [2];
80 : 21
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقْبَرَهُۥ
21. Markaasuu sababaa inuu dhinto, oo qabri lagu aaso;
80 : 22
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ
22. Markuu doonana wuu soo bixin.
80 : 23
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَآ أَمَرَهُۥ
23. Mayee, ma uusan yeelin wuxuu amray.
80 : 24
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَـٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ
24. Ee qofku bal ha eego cunnadiisa.
80 : 25
أَنَّا صَبَبْنَا ٱلْمَآءَ صَبًّا
25. Annagaa soo shubna biyaha (roobka) soo shubid badan,
80 : 26
ثُمَّ شَقَقْنَا ٱلْأَرْضَ شَقًّا
26. Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin.
80 : 27
فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا حَبًّا
27. Oo ka soo bixinnaa hadhuudh,
80 : 28
وَعِنَبًا وَقَضْبًا
28. Iyo cinab iyo naq.
80 : 29
وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا
29. Iyo zaytuun iyo geedo timireed.
80 : 30
وَحَدَآئِقَ غُلْبًا
30. Iyo beero tanaad ah.
80 : 31
وَفَـٰكِهَةً وَأَبًّا
31. Iyo midho iyo caws.
80 : 32
مَّتَـٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَـٰمِكُمْ
32. Sahay aad leedihiin ah idinka iyo xoolihiinnuba.
80 : 33
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ
33. Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo (afuufka labaad ee Buunka).
80 : 34
يَوْمَ يَفِرُّ ٱلْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ
34. Maalinta uu qofku ka carari walaalki,
80 : 35
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ
35. Iyo hooyadi iyo aabbihi.
80 : 36
وَصَـٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ
36. Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa,
80 : 37
لِكُلِّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ
37. Qof walba oo ka mid ah Maalinkaas waxaa heysan arrin ku filan.
80 : 38
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ
38. Wejiyo (qaar) Maalinkaas way ifi.
80 : 39
ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ
39. Iyagoo qosli ku faraxsan (Jannada) loogu bishaareyey.
80 : 40
وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ
40. Wejiyona Maalinkaas (Qiyaame) waxay ahaan kuwo booreysan dulli ka muuqdo;
80 : 41
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ
41. Mugdi baa dabooli (iyo naxdin).
80 : 42
أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَفَرَةُ ٱلْفَجَرَةُ
42. Kuwaasi waa kuwa ah gaalada, denbiilayaasha.