78 : 1
عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ
1. Maxay isweydiinayaan (gaaladu)?
★
78 : 2
عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلْعَظِيمِ
2. Ma Warka Weyn (Qur’aanka ama Qiyaamada).
★
78 : 3
ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ
3. Ay isku khilaafsan yihiin (mid rumeysan iyo mid beeninaya)?
★
78 : 4
كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
4. Mayee, way ogaan doonaan (waxa ku dhaca beenintooda Xaqa darteed).
★
78 : 5
ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
5. Misna, mayee way ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
★
78 : 6
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ مِهَـٰدًا
6. Miyaanaan ka yeelin dhulka gogol?
★
78 : 7
وَٱلْجِبَالَ أَوْتَادًا
7. Buurahana tiirar (dhulka lagu adkeeyey)?
★
78 : 8
وَخَلَقْنَـٰكُمْ أَزْوَٰجًا
8. Oo idinka abuurin noocyo (lab iyo dheddig)?,
★
78 : 9
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًا
9. oo ka yeelin hurdadiinna nasiino?,
★
78 : 10
وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِبَاسًا
10. Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale (idinku daboola mugdigiisa)?,
★
78 : 11
وَجَعَلْنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشًا
11.Oo ka dhigin maalinta maciishad raadin,
★
78 : 12
وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا
12. Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag?.
★
78 : 13
وَجَعَلْنَا سِرَاجًا وَهَّاجًا
13. Oo yeelin nal shidan aad u ifi (qorrax)?.
★
78 : 14
وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلْمُعْصِرَٰتِ مَآءً ثَجَّاجًا
14. Oo ka soo dejinin daruuraha biyo badan oo shubmaya (roob)?.
★
78 : 15
لِّنُخْرِجَ بِهِۦ حَبًّا وَنَبَاتًا
15. Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq.
★
78 : 16
وَجَنَّـٰتٍ أَلْفَافًا
16. Iyo beero isku maran.
★
78 : 17
إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ كَانَ مِيقَـٰتًا
17. Xaqiiq, Maalinka kala baxu (Qiyaamaha) waa waqti go’an.
★
78 : 18
يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًا
18.Maalinka marka Buunka la afuufi, oo aad iman idinkoo ummado kala duwan ah;
★
78 : 19
وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ أَبْوَٰبًا
19. Oo samada la furi oo yeelan albaabbo.
★
78 : 20
وَسُيِّرَتِ ٱلْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا
20. Buurahana la rujin oo noqon dhalanteed oo kale.
★
78 : 21
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًا
21. Xaqiiq, Naartu waa heegan sugeysa,
★
78 : 22
لِّلطَّـٰغِينَ مَـَٔابًا
22. Xad gudbayaasha, meel noqod u ah.
★
78 : 23
لَّـٰبِثِينَ فِيهَآ أَحْقَابًا
23. Iyagoo ku negaadi waayo badan,
★
78 : 24
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًا وَلَا شَرَابًا
24. Ma ku dhadhaminayaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna.
★
78 : 25
إِلَّا حَمِيمًا وَغَسَّاقًا
25. Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee (dhacaanka ehlu Naarka ah)
★
78 : 26
جَزَآءً وِفَاقًا
26.Waa abaal marin ku habboon (gaalada).
★
78 : 27
إِنَّهُمْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ حِسَابًا
27. Waxay ahaayeen kuwo aan fileyn Xisaab (Aakhiro).
★
78 : 28
وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا كِذَّابًا
28. Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga beenin cad.
★
78 : 29
وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَـٰهُ كِتَـٰبًا
29. Wax walba se (oo camalladooda ah) waxaan ku koobnay qoraal.
★
78 : 30
فَذُوقُوا۟ فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا
30. Ee dhadhamiya (ciqaabka); idiinma kordhineyno waxaan ahayn Cadaab.
★
78 : 31
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا
31. Xaqiiq, kuwa Alle ka cabsada ee (ka) dhowrsada (xumaha) waxay leeyihiin meel lagu liibaano (Janno).
★
78 : 32
حَدَآئِقَ وَأَعْنَـٰبًا
32. Beero iyo canabyo.
★
78 : 33
وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًا
33. Iyo gashaantiyo da' yar oo isla eg.
★
78 : 34
وَكَأْسًا دِهَاقًا
34.Iyo galaas buuxa (oo khamri saafi ah).
★
78 : 35
لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا كِذَّٰبًا
35.Kuma maqlayaan (Jannada) gudaheeda hadal macno darro ah ama wax been ah.
★
78 : 36
جَزَآءً مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابًا
36. Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah badan) oo ku filan.
★
78 : 37
رَّبِّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلرَّحْمَـٰنِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًا
37. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, - Raxmaanka, ma jiro wax ku soo celin karaa hadal (Qiyaamada).
★
78 : 38
يَوْمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ صَفًّا ۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَـٰنُ وَقَالَ صَوَابًا
38. Maalinka uu Ruuxu iyo malaa’igtu ay u istaagi saf saf, ma jiro wax hadli, mid maahee Allaah - Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah.
★
78 : 39
ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلْحَقُّ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا
39. Kaasi waa Maalinka la hubo ee xaqa ah, ee qofkii doona, ha u maro Rabbigi jid toos ah uu ugula laabto (caqiido sax ah iyo camallo san).
★
78 : 40
إِنَّآ أَنذَرْنَـٰكُمْ عَذَابًا قَرِيبًا يَوْمَ يَنظُرُ ٱلْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلْكَافِرُ يَـٰلَيْتَنِى كُنتُ تُرَٰبًۢا
40. Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow - Maalinka uu qofku arki waxay gacmihiisu hormarsadeen (oo khayr ah ama shar), oo gaalku odhan:Hoogaye! Maan ciid ahaado.
★