77 : 1
وَٱلْمُرْسَلَـٰتِ عُرْفًا
1. Waxaan ku dhaartay dabeylaha wanaagga lala soo diro.
★
77 : 2
فَٱلْعَـٰصِفَـٰتِ عَصْفًا
2. Iyo dabeylaha sida daran u kaca.
★
77 : 3
وَٱلنَّـٰشِرَٰتِ نَشْرًا
3. Iyo dabeylaha u kaxeeya daruuraha meelahooda loogu tala galay;
★
77 : 4
فَٱلْفَـٰرِقَـٰتِ فَرْقًا
4. Iyo (malaa'igta) kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan [1].
★
77 : 5
فَٱلْمُلْقِيَـٰتِ ذِكْرًا
5. Iyo malaa’igta keena Waxyiga
★
77 : 6
عُذْرًا أَوْ نُذْرًا
6. Si loo caddeeyo (Xaqa) ama loo digo;
★
77 : 7
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَٰقِعٌ
7. Ee waxa (dadow) la idiinku yabooho ( Qiyaamada) waa Xaq dhacaya.
★
77 : 8
فَإِذَا ٱلنُّجُومُ طُمِسَتْ
8. Marka xiddiguhu beelaan nuurkooda;
★
77 : 9
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ فُرِجَتْ
9. Oo samadu dildillaacdo,
★
77 : 10
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ نُسِفَتْ
10. Oo buuraha la rujiyo.
★
77 : 11
وَإِذَا ٱلرُّسُلُ أُقِّتَتْ
11. Oo Rusulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii) waqtigii loo qabtay.
★
77 : 12
لِأَىِّ يَوْمٍ أُجِّلَتْ
12. Maalintee baa loo dib dhigay?
★
77 : 13
لِيَوْمِ ٱلْفَصْلِ
13. Maalinta kala baxa (Qiyaamada).
★
77 : 14
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ
14. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta kala baxu tahay?
★
77 : 15
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
15. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 16
أَلَمْ نُهْلِكِ ٱلْأَوَّلِينَ
16. Miyaanaan halaagin facyadii hore (ee gaaloobay)?
★
77 : 17
ثُمَّ نُتْبِعُهُمُ ٱلْـَٔاخِرِينَ
17. Misna waxaan raacin kuwa (facyada) dambe (ee eynigood ah).
★
77 : 18
كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِٱلْمُجْرِمِينَ
18. Sidaasaan u galnaa denbiilayaasha.
★
77 : 19
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
19. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 20
أَلَمْ نَخْلُقكُّم مِّن مَّآءٍ مَّهِينٍ
20. Miyaanaan idinka abuurin biyo daciif ah liita?
★
77 : 21
فَجَعَلْنَـٰهُ فِى قَرَارٍ مَّكِينٍ
21. Markaas yeelnay meel aamin ah gudaheed (riximka),
★
77 : 22
إِلَىٰ قَدَرٍ مَّعْلُومٍ
22. Ilaa muddo la yaqaanno,
★
77 : 23
فَقَدَرْنَا فَنِعْمَ ٱلْقَـٰدِرُونَ
23. Sidaasaan wax u qaddarnay, Annagaana u fiican kuwo wax qaddara.
★
77 : 24
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
24. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 25
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ كِفَاتًا
25. Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan?
★
77 : 26
أَحْيَآءً وَأَمْوَٰتًا
26. Kuwa nool iyo kuwa mowtanba [2].
★
77 : 27
وَجَعَلْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ شَـٰمِخَـٰتٍ وَأَسْقَيْنَـٰكُم مَّآءً فُرَاتًا
27. Oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer oo aan idinka waraabinin biyo macaan?
★
77 : 28
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
28. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 29
ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ مَا كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
29. Aada waxaad beenin jirteen.
★
77 : 30
ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ ظِلٍّ ذِى ثَلَـٰثِ شُعَبٍ
30. Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh [3].
★
77 : 31
لَّا ظَلِيلٍ وَلَا يُغْنِى مِنَ ٱللَّهَبِ
31. Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka.
★
77 : 32
إِنَّهَا تَرْمِى بِشَرَرٍ كَٱلْقَصْرِ
32. Waxay (Naartu) tuuri dhimbilo daran oo daaro oo kale ah .
★
77 : 33
كَأَنَّهُۥ جِمَـٰلَتٌ صُفْرٌ
33. Aad mooddo awr aydin ah.
★
77 : 34
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
34. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 35
هَـٰذَا يَوْمُ لَا يَنطِقُونَ
35. Kanu waa Maalin aysan (gaaladu) hadleyn.
★
77 : 36
وَلَا يُؤْذَنُ لَهُمْ فَيَعْتَذِرُونَ
36. Oo aan idan la siineyn si ay u cudurdaartaan.
★
77 : 37
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
37. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 38
هَـٰذَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ ۖ جَمَعْنَـٰكُمْ وَٱلْأَوَّلِينَ
38. Kani waa Maalinka kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyey.
★
77 : 39
فَإِن كَانَ لَكُمْ كَيْدٌ فَكِيدُونِ
39. Ee haddaad wax dhagri kartaan, Aniga I dhagra.
★
77 : 40
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
40. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 41
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى ظِلَـٰلٍ وَعُيُونٍ
41. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo.
★
77 : 42
وَفَوَٰكِهَ مِمَّا يَشْتَهُونَ
42. Iyo midho waxay doonaan ah.
★
77 : 43
كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
43. Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed.
★
77 : 44
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ
44. Sidaasaan xaqiiq u abaal marinnaa sama falayaasha.
★
77 : 45
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
45. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 46
كُلُوا۟ وَتَمَتَّعُوا۟ قَلِيلًا إِنَّكُم مُّجْرِمُونَ
46. (Gaaloy) cuna oo raaxeysta in yar. waxaad tihiin denbiilayaal.
★
77 : 47
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
47. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 48
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱرْكَعُوا۟ لَا يَرْكَعُونَ
48. Marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan [4].
★
77 : 49
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
49. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
★
77 : 50
فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَهُۥ يُؤْمِنُونَ
50. Ee Hadalkee bay kan (Qur’aanka) kaddib (gaaladu) rumeynayaan?
★