76 : 1
هَلْ أَتَىٰ عَلَى ٱلْإِنسَـٰنِ حِينٌ مِّنَ ٱلدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْـًٔا مَّذْكُورًا
1. Waxaa Aadmiga soo maray waqti wax la sheego uusan aheyn (uusan jirinba).
★
76 : 2
إِنَّا خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَـٰهُ سَمِيعًۢا بَصِيرًا
2. Waxaanu xaqiiq ka abuurnay Aadmiga dhibic mani ah isku dhafanta [1], si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka.
★
76 : 3
إِنَّا هَدَيْنَـٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا
3. Waxaanu xaqiiq tusnay jidka ama waa mid mahad naqa ama mid abaal dhac badan (gaal ah).
★
76 : 4
إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلْكَـٰفِرِينَ سَلَـٰسِلَا۟ وَأَغْلَـٰلًا وَسَعِيرًا
4. Waxaanu xaqiiq u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal, iyo dab huraya.
★
76 : 5
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا
5. Hubaal, kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi galaas (khamro saafi ah) oo lagu dheehay Kaafuur.
★
76 : 6
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ ٱللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًا
6. Il ay ka cabbi addoomaha Alle oo ay u burqin sida iyo halkay doonaan burqin.
★
76 : 7
يُوفُونَ بِٱلنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًا كَانَ شَرُّهُۥ مُسْتَطِيرًا
7. Waa kuwa oofiya nidarradooda, ka cabsadana Maalin sharkeedu fidi (Maalinta Qayaamaha).
★
76 : 8
وَيُطْعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا
8. Waxay siiyaan cunno iyagoo jecel miskiinka, agoonka iyo maxbuuska.
★
76 : 9
إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَآءً وَلَا شُكُورًا
9. (iyagoo laabta ka leh) Waxaan uun idiin siin raashinka Wejiga Alle Darti idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna.
★
76 : 10
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا
10. Xaqiiq, waxaanu ka cabsan Rabbigayo Maalin (wajigu) doorsoomi, murugo badan.
★
76 : 11
فَوَقَىٰهُمُ ٱللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمِ وَلَقَّىٰهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا
11. Sidaa awgeed Alle wuxuu ka samata bixin sharka Maalinkaas, oo siin nuur iyo farxad.
★
76 : 12
وَجَزَىٰهُم بِمَا صَبَرُوا۟ جَنَّةً وَحَرِيرًا
12. Oo ku abaal marin sabarkooda dartiis Janno iyo xariir.
★
76 : 13
مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ ۖ لَا يَرَوْنَ فِيهَا شَمْسًا وَلَا زَمْهَرِيرًا
13. Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arkayaan (Jannada) gudaheeda kuleyl qorrax iyo dhaxan midna.
★
76 : 14
وَدَانِيَةً عَلَيْهِمْ ظِلَـٰلُهَا وَذُلِّلَتْ قُطُوفُهَا تَذْلِيلًا
14. Waxaa u dhow (geedaha Jannada) Hoosaskooda, waana loo soo raaricin midhaheeda raaricin.
★
76 : 15
وَيُطَافُ عَلَيْهِم بِـَٔانِيَةٍ مِّن فِضَّةٍ وَأَكْوَابٍ كَانَتْ قَوَارِيرَا۠
15. Waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah.
★
76 : 16
قَوَارِيرَا۟ مِن فِضَّةٍ قَدَّرُوهَا تَقْدِيرًا
16. Quraarado fiddo (qalin) ah si fiicanna u qiyaasan.
★
76 : 17
وَيُسْقَوْنَ فِيهَا كَأْسًا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا
17. Waxaa laga waraabin galaas (khamro saafi ah) lagu dheehay Sanjabiil,
★
76 : 18
عَيْنًا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلْسَبِيلًا
18.Il 'Jannada' gudaheeda ah, la yidhaahdo Salsabiil.
★
76 : 19
۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيْتَهُمْ حَسِبْتَهُمْ لُؤْلُؤًا مَّنثُورًا
19. Waxaa u adeegi wiilal da’ yar aan gaboobin oo waari markaad aragto aad moodi sida luul la firdhiyey.
★
76 : 20
وَإِذَا رَأَيْتَ ثَمَّ رَأَيْتَ نَعِيمًا وَمُلْكًا كَبِيرًا
20. Haddaad aragto halkaas (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo weyn.
★
76 : 21
عَـٰلِيَهُمْ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضْرٌ وَإِسْتَبْرَقٌ ۖ وَحُلُّوٓا۟ أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٍ وَسَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ شَرَابًا طَهُورًا
21. Dharkoodu (ehlu Jannaha) waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba. Waxaana lagu qurxin jin-jimo qalin ah, wuxuu Rabbigood ka waraabin sharaab daahir ah.
★
76 : 22
إِنَّ هَـٰذَا كَانَ لَكُمْ جَزَآءً وَكَانَ سَعْيُكُم مَّشْكُورًا
22. Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, dadaalkiinniina waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin.
★
76 : 23
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ تَنزِيلًا
23. Xaqiiq, Annagaa kugu soo dejinnay Qur’aanka (Muxammadow) si qayb qayb ah (Suurado iyo Aayado) soo dejin dhan.
★
76 : 24
فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعْ مِنْهُمْ ءَاثِمًا أَوْ كَفُورًا
24. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, hana adeecin denbiile iyo abaal darne midna.
★
76 : 25
وَٱذْكُرِ ٱسْمَ رَبِّكَ بُكْرَةً وَأَصِيلًا
25. Xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba.
★
76 : 26
وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَٱسْجُدْ لَهُۥ وَسَبِّحْهُ لَيْلًا طَوِيلًا
26.Habeenka qaarkina u sujuud, oo ammaan (hufna) in dheer oo habeenka ah.
★
76 : 27
إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ يُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَآءَهُمْ يَوْمًا ثَقِيلًا
27. Xaqiiq, kuwaasi (gaalada ah) waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, waxayna mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin) Maalin culus (Qiyaamada).
★
76 : 28
نَّحْنُ خَلَقْنَـٰهُمْ وَشَدَدْنَآ أَسْرَهُمْ ۖ وَإِذَا شِئْنَا بَدَّلْنَآ أَمْثَـٰلَهُمْ تَبْدِيلًا
28. Annagaa abuurnay oo adkaynay seedahooda, haddaan doonnona Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan.
★
76 : 29
إِنَّ هَـٰذِهِۦ تَذْكِرَةٌ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا
29. Suuraddani xaqiiq waa waano, ee qofkii doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi.
★
76 : 30
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا
30. Waxna ma dooni kartaan in Alle doono mooyee. Hubaal, Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan.
★
76 : 31
يُدْخِلُ مَن يَشَآءُ فِى رَحْمَتِهِۦ ۚ وَٱلظَّـٰلِمِينَ أَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًۢا
31. Wuxuu geliyaa qofkuu doono Naxariistiisa, daalimiintana (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha) wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan.
★