75 : 1
لَآ أُقْسِمُ بِيَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ
1. Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.
★
75 : 2
وَلَآ أُقْسِمُ بِٱلنَّفْسِ ٱللَّوَّامَةِ
2. Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda [1] 'in la idin soo bixin Aakhirada'.
★
75 : 3
أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَـٰنُ أَلَّن نَّجْمَعَ عِظَامَهُۥ
3. Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa?
★
75 : 4
بَلَىٰ قَـٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّىَ بَنَانَهُۥ
4. Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan.
★
75 : 5
بَلْ يُرِيدُ ٱلْإِنسَـٰنُ لِيَفْجُرَ أَمَامَهُۥ
5. Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya 'ee sugaya' [2].
★
75 : 6
يَسْـَٔلُ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلْقِيَـٰمَةِ
6. Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha?
★
75 : 7
فَإِذَا بَرِقَ ٱلْبَصَرُ
7. Ee marka araggu argagaxo (taagmo).
★
75 : 8
وَخَسَفَ ٱلْقَمَرُ
8. Oo dayaxu madoobaado.
★
75 : 9
وَجُمِعَ ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ
9. Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.
★
75 : 10
يَقُولُ ٱلْإِنسَـٰنُ يَوْمَئِذٍ أَيْنَ ٱلْمَفَرُّ
10. Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa?
★
75 : 11
كَلَّا لَا وَزَرَ
11. Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo).
★
75 : 12
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمُسْتَقَرُّ
12. Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah.
★
75 : 13
يُنَبَّؤُا۟ ٱلْإِنسَـٰنُ يَوْمَئِذٍۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ
13. Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday.
★
75 : 14
بَلِ ٱلْإِنسَـٰنُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ بَصِيرَةٌ
14. Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og.
★
75 : 15
وَلَوْ أَلْقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ
15. Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho).
★
75 : 16
لَا تُحَرِّكْ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِۦٓ
16. Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa).
★
75 : 17
إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُۥ وَقُرْءَانَهُۥ
17. Xaqiiq, waa xil Annaga na saaran inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa).
★
75 : 18
فَإِذَا قَرَأْنَـٰهُ فَٱتَّبِعْ قُرْءَانَهُۥ
18. Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa.
★
75 : 19
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُۥ
19. Kaddib xaqiiq Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa).
★
75 : 20
كَلَّا بَلْ تُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ
20. Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa.
★
75 : 21
وَتَذَرُونَ ٱلْـَٔاخِرَةَ
21. Oo dayacdaan Aakhirada.
★
75 : 22
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاضِرَةٌ
22. Wejiyo Maalintaas way ifi.
★
75 : 23
إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌ
23. Xagga Rabbigood iyagoo eegaya;
★
75 : 24
وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍۭ بَاسِرَةٌ
24. Wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo kuduudsan.
★
75 : 25
تَظُنُّ أَن يُفْعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌ
25. Waxay hubtaa in lagu fali balaayo weyn;
★
75 : 26
كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِىَ
26. Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (waqtiga geerida).
★
75 : 27
وَقِيلَ مَنْ ۜ رَاقٍ
27. Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi oo dabiibi?
★
75 : 28
وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلْفِرَاقُ
28. Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda (geerida).
★
75 : 29
وَٱلْتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ
29.Oo lagu isku maro labada jeeni (kafno).
★
75 : 30
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمَسَاقُ
30. Waa xagga Rabbigaa Maalintaas halka laysu wadaa.
★
75 : 31
فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ
31. (Gaalkuse) ma rumeyn (Xaqa) mana tukan.
★
75 : 32
وَلَـٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
32. Wuuse beeniyey oo jeesaday.
★
75 : 33
ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ
33. Markaasuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh.
★
75 : 34
أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰ
34. Dhowaa hooggaagu oo dhowaa.
★
75 : 35
ثُمَّ أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰٓ
35. Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa.
★
75 : 36
أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَـٰنُ أَن يُتْرَكَ سُدًى
36. Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi bilaash (ujeeddo la'aan)?
★
75 : 37
أَلَمْ يَكُ نُطْفَةً مِّن مَّنِىٍّ يُمْنَىٰ
37. Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo?
★
75 : 38
ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ
38. Markaas noqota xinjir oo (Alle) abuuro qaab wanaagsanna u yeelo.
★
75 : 39
فَجَعَلَ مِنْهُ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ
39. Oo ka yeelo labo nooc, lab iyo dheddig.
★
75 : 40
أَلَيْسَ ذَٰلِكَ بِقَـٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْـِۧىَ ٱلْمَوْتَىٰ
40.Miyuusan Kaasi (Alle) awoodin inuu soo nooleeyo maytida [3]?
★