74 : 1
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمُدَّثِّرُ
1. Kani ku dedanow dharka!
74 : 2
قُمْ فَأَنذِرْ
2. Kac oo dig,
74 : 3
وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ
3. Rabbigaa weynee.
74 : 4
وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ
4. Maryahaagana daahiri.
74 : 5
وَٱلرُّجْزَ فَٱهْجُرْ
5. Fadaradana (sanamada iyo najaasooyinka) ka fogow.
74 : 6
وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ
6. Waxna ha u bixin si aad u hesho wax ka badan.
74 : 7
وَلِرَبِّكَ فَٱصْبِرْ
7. Rabbigaana dartiis u samir.
74 : 8
فَإِذَا نُقِرَ فِى ٱلنَّاقُورِ
8. Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo;
74 : 9
فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍ يَوْمٌ عَسِيرٌ
9. Maalintaasi waa maalin aad u Daran.
74 : 10
عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍ
10. Gaalada aan u fududeyn.
74 : 11
ذَرْنِى وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًا
11. Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan).
74 : 12
وَجَعَلْتُ لَهُۥ مَالًا مَّمْدُودًا
12. Oo aan siiyey hanti ballaadhan.
74 : 13
وَبَنِينَ شُهُودًا
13. Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah.
74 : 14
وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمْهِيدًا
14. (Oo aan u waasiciyey risiqa), una goglay wax walba hortiisa goglid.
74 : 15
ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ
15. Haddana damci inaan u ziyaadiyo;
74 : 16
كَلَّآ ۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِـَٔايَـٰتِنَا عَنِيدًا
16. Mayee, kaasi wuxuu diiday Aayadahayaga.
74 : 17
سَأُرْهِقُهُۥ صَعُودًا
17. Waxaan ku kallifi inuu kor u fuulo cadaab silic iyo saxariir badan.
74 : 18
إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ
18. (Gaalkaasu) wuu fekaray, wax buuna goostay;
74 : 19
فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
19. Nacaladi ha ku dhacdee! Siduu wax u qorsheeyey.
74 : 20
ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
20. Misna, nacladi ha ku dhacdee, siduu wax u qorsheeyey.
74 : 21
ثُمَّ نَظَرَ
21. Kaddib wuu eegay;
74 : 22
ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ
22. Markaasuu wejiga kaduuday oo soo uruuriyey.
74 : 23
ثُمَّ أَدْبَرَ وَٱسْتَكْبَرَ
23. Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay;
74 : 24
فَقَالَ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ يُؤْثَرُ
24. Wuxuu yidhi: Kani (Qur'aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale.
74 : 25
إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا قَوْلُ ٱلْبَشَرِ
25. Kanu (Qur'aanku) ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi.
74 : 26
سَأُصْلِيهِ سَقَرَ
26. Waxaan galin kaasi Saqaro (Naar).
74 : 27
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سَقَرُ
27. Maxaad ka og tahay waxay Saqaro tahay?
74 : 28
لَا تُبْقِى وَلَا تَذَرُ
28. Ma reebto (hilib iyo laf midna) waxnana kama tagto.
74 : 29
لَوَّاحَةٌ لِّلْبَشَرِ
29. Waxay doorisaa jirka oo gubtaa.
74 : 30
عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ
30. Waxaa kor jooga sagaal iyo toban (malag oo adadag).
74 : 31
وَمَا جَعَلْنَآ أَصْحَـٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَـٰٓئِكَةً ۙ وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِيَسْتَيْقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَيَزْدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِيمَـٰنًا ۙ وَلَا يَرْتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْمُؤْمِنُونَ ۙ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَٱلْكَـٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَـٰذَا مَثَلًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ وَمَا هِىَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ
31. Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka.
74 : 32
كَلَّا وَٱلْقَمَرِ
32. Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa,
74 : 33
وَٱلَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ
33. Iyo habeenka markuu tago.
74 : 34
وَٱلصُّبْحِ إِذَآ أَسْفَرَ
34. Iyo waagu markuu caddaado.
74 : 35
إِنَّهَا لَإِحْدَى ٱلْكُبَرِ
35. Hubaal iyadu (Naartu) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn.
74 : 36
نَذِيرًا لِّلْبَشَرِ
36. Digniin u ah dadka.
74 : 37
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَتَقَدَّمَ أَوْ يَتَأَخَّرَ
37. Qofkii doona inuu ku hormaro (camallo san) ama dib ugu haro (xume fal),
74 : 38
كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ
38. Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay kasbato.
74 : 39
إِلَّآ أَصْحَـٰبَ ٱلْيَمِينِ
39. Qolada midigta maahee.
74 : 40
فِى جَنَّـٰتٍ يَتَسَآءَلُونَ
40. Jannooyin gudahood waxay iska wareysan,
74 : 41
عَنِ ٱلْمُجْرِمِينَ
41. Xaalka denbiilayaasha:
74 : 42
مَا سَلَكَكُمْ فِى سَقَرَ
42. Maxaa idin keenay Naarta Saqaro?
74 : 43
قَالُوا۟ لَمْ نَكُ مِنَ ٱلْمُصَلِّينَ
43. Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada.
74 : 44
وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ ٱلْمِسْكِينَ
44. Mana aannaan aheyn kuwo quudiya miskiinka;
74 : 45
وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلْخَآئِضِينَ
45. Waxaanu ahayn kuwo la dhumbada waxyaalo been ahoo aan jirin iyo xumaan kuwa dhumbada.
74 : 46
وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
46. Waxaanu ahayn kuwa beeniya Maalinta abaal marinta (jaazeynta).
74 : 47
حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلْيَقِينُ
47. Jeer ay noo timid yaqiinta la hubo (geeridu).
74 : 48
فَمَا تَنفَعُهُمْ شَفَـٰعَةُ ٱلشَّـٰفِعِينَ
48. Marka waxba u tarimeyso shafeecada kuwa shafeeca.
74 : 49
فَمَا لَهُمْ عَنِ ٱلتَّذْكِرَةِ مُعْرِضِينَ
49. Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada?
74 : 50
كَأَنَّهُمْ حُمُرٌ مُّسْتَنفِرَةٌ
50. Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan.
74 : 51
فَرَّتْ مِن قَسْوَرَةٍۭ
51. Ee ka soo cararay libaax?
74 : 52
بَلْ يُرِيدُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُؤْتَىٰ صُحُفًا مُّنَشَّرَةً
52. Mayee, qof walba oo ka mid ahi wuxuu rabaa in la siiyo kitaab faahfaahsan (oo xag Alle ah).
74 : 53
كَلَّا ۖ بَل لَّا يَخَافُونَ ٱلْـَٔاخِرَةَ
53. Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Alle).
74 : 54
كَلَّآ إِنَّهُۥ تَذْكِرَةٌ
54. Mayee, hubaal kani (Qur’aanka) waa waano.
74 : 55
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
55. Ee qofkii rabaa ha ku waano qaato.
74 : 56
وَمَا يَذْكُرُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ هُوَ أَهْلُ ٱلتَّقْوَىٰ وَأَهْلُ ٱلْمَغْفِرَةِ
56. Ma waantoobayaanse in Alle doono maahee; waa Isaga Kan mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Denbi Dhaafo.