70 : 1
سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ
1. Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda 'gaalada loo soo dedejiyo' [1].
70 : 2
لِّلْكَـٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌ
2. (Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin -
70 : 3
مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ
3. Ka iman xagga Alle, ee leh jidadka kor loogu fuulo (samooyinka).
70 : 4
تَعْرُجُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ
4. Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.
70 : 5
فَٱصْبِرْ صَبْرًا جَمِيلًا
5. Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan.
70 : 6
إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًا
6. Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog.
70 : 7
وَنَرَىٰهُ قَرِيبًا
7. Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay.
70 : 8
يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ
8. Maalintay samadu noqon sida maar shuban.
70 : 9
وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ
9. Buuruhuna noqon sida cudbi la dhilay.
70 : 10
وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا
10. Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn.
70 : 11
يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ
11. Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa.
70 : 12
وَصَـٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ
12. Iyo xaaskiisa iyo walaalki.
70 : 13
وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ
13. Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo,
70 : 14
وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنجِيهِ
14. Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado.
70 : 15
كَلَّآ ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ
15. Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa.
70 : 16
نَزَّاعَةً لِّلشَّوَىٰ
16. Diiraneysa haragga Madaxa.
70 : 17
تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ
17. U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday.
70 : 18
وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ
18. Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan).
70 : 19
۞ إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا
19. Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo.
70 : 20
إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًا
20. Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay.
70 : 21
وَإِذَا مَسَّهُ ٱلْخَيْرُ مَنُوعًا
21. Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin).
70 : 22
إِلَّا ٱلْمُصَلِّينَ
22. Kuwa salaadda tukada mooyaane.
70 : 23
ٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَآئِمُونَ
23. Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima;
70 : 24
وَٱلَّذِينَ فِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّ مَّعْلُومٌ
24. Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan.
70 : 25
لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ
25. Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan.
70 : 26
وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
26. Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha).
70 : 27
وَٱلَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ
27. Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood.
70 : 28
إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ
28. Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn.
70 : 29
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَـٰفِظُونَ
29. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah.
70 : 30
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
30. Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah.
70 : 31
فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ
31. Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah.
70 : 32
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَـٰنَـٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ
32. Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda;
70 : 33
وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَـٰدَٰتِهِمْ قَآئِمُونَ
33. Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda;
70 : 34
وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ
34. Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda,
70 : 35
أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى جَنَّـٰتٍ مُّكْرَمُونَ
35. Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan.
70 : 36
فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ
36. Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e.
70 : 37
عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ
37. Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga?
70 : 38
أَيَطْمَعُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ
38. Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah?
70 : 39
كَلَّآ ۖ إِنَّا خَلَقْنَـٰهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ
39. Mayee, Waxaanu xaqiiq ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan).
70 : 40
فَلَآ أُقْسِمُ بِرَبِّ ٱلْمَشَـٰرِقِ وَٱلْمَغَـٰرِبِ إِنَّا لَقَـٰدِرُونَ
40. Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan xaqiiq Karno;
70 : 41
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ
41. Inaan ku beddelno (kuwo kale) oo ka wanaagsan; nalagamana adkaado.
70 : 42
فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَـٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ
42. Ee iska dhaaf ha dhumbadeene (xumaanta) hana iska cayaareen, intay kala kulmaan Maalinkooda loogu gooddiyo.
70 : 43
يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍ يُوفِضُونَ
43. Maalintay ka soo bixi qubuuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan taallooyin loo taagay.
70 : 44
خَـٰشِعَةً أَبْصَـٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ
44. Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli (korka oo dhan)! Kaasi waa Maalin- kii loogu gooddiyey (ay beeninayeen).