69 : 1
ٱلْحَآقَّةُ
1. Xaqiiqda dhabta ah ee sugan [1]!
69 : 2
مَا ٱلْحَآقَّةُ
2. Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?!
69 : 3
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْحَآقَّةُ
3. Maxaad ka og tahay waxay tahay xaqiiqdaa dhabta ahi ee sugan?!
69 : 4
كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌۢ بِٱلْقَارِعَةِ
4. Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaame).
69 : 5
فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا۟ بِٱلطَّاغِيَةِ
5. Ma Thamuud, waxaa lagu halaagay Qeylo Daran [2].
69 : 6
وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا۟ بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ
6. Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl daran oo qabow badan.
69 : 7
سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَـٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى ٱلْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ
7. (Alle) uu ku salliday toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay.
69 : 8
فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍ
8. Ee ma aragtaa wax ka hadhay?
69 : 9
وَجَآءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُۥ وَٱلْمُؤْتَفِكَـٰتُ بِٱلْخَاطِئَةِ
9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la rogay [3] waxay joogto ula yimaadeen gefaf weyn.
69 : 10
فَعَصَوْا۟ رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً
10. Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu (Alle) qabtay 'ciqaabay' qabasho 'ciqaab' daran.
69 : 11
إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلْمَآءُ حَمَلْنَـٰكُمْ فِى ٱلْجَارِيَةِ
11. Markay biyihii xad dhaafeen waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux).
69 : 12
لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَآ أُذُنٌ وَٰعِيَةٌ
12. Si aan idiinkaga dhigno waano, oo una xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto.
69 : 13
فَإِذَا نُفِخَ فِى ٱلصُّورِ نَفْخَةٌ وَٰحِدَةٌ
13. Ee marka Buunka (Qiyaame) la afuufo afuufid keliya (afuufka hore),
69 : 14
وَحُمِلَتِ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَٰحِدَةً
14. Dhulka iyo buurahana laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah.
69 : 15
فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ
15. Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici (Qiyaamada).
69 : 16
وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِىَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ
16. Samadu Maalintaa u kala dillaaci gaballo, marka waxay ahaan mid jilicsan.
69 : 17
وَٱلْمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرْجَآئِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَـٰنِيَةٌ
17. Malaa’igtu waxay ahaan agagaar- keeda, waxaana ku xambaari Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah).
69 : 18
يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ
18. Maalintaas waa la idin soo bandhigi, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan.
69 : 19
فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقْرَءُوا۟ كِتَـٰبِيَهْ
19. Kan laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig, wuxuu odhan: Waa kane, akhriya kitaabkeyga.
69 : 20
إِنِّى ظَنَنتُ أَنِّى مُلَـٰقٍ حِسَابِيَهْ
20. Anigu waan hubay inaan la kulmi Xisaabteyda.
69 : 21
فَهُوَ فِى عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ
21. Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh.
69 : 22
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ
22. Beer sare gudaheed ah (Janno),
69 : 23
قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ
23. Midhaheedu (goosasho iyo) gurasho dhow yihiin.
69 : 24
كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَآ أَسْلَفْتُمْ فِى ٱلْأَيَّامِ ٱلْخَالِيَةِ
24. Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye.
69 : 25
وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى لَمْ أُوتَ كِتَـٰبِيَهْ
25. Kanse laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa bidix, wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen kitaabkeyga.
69 : 26
وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ
26.Oo aan ogaadeen, waxay xisaabteydu tahay?
69 : 27
يَـٰلَيْتَهَا كَانَتِ ٱلْقَاضِيَةَ
27. Alla hadday taa (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga.
69 : 28
مَآ أَغْنَىٰ عَنِّى مَالِيَهْ ۜ
28. Maalkeygii waxba iima tarin.
69 : 29
هَلَكَ عَنِّى سُلْطَـٰنِيَهْ
29. Awooddeydii waa iga baabba’een.
69 : 30
خُذُوهُ فَغُلُّوهُ
30. (Waxaa la odhan): Qabta oo xidha.
69 : 31
ثُمَّ ٱلْجَحِيمَ صَلُّوهُ
31. Markaas geliya dabka ololka badan.
69 : 32
ثُمَّ فِى سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَٱسْلُكُوهُ
32. Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood.
69 : 33
إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ ٱلْعَظِيمِ
33. Ma uu rumeysneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn.
69 : 34
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
34. Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka.
69 : 35
فَلَيْسَ لَهُ ٱلْيَوْمَ هَـٰهُنَا حَمِيمٌ
35. Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah.
69 : 36
وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍ
36. ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee.
69 : 37
لَّا يَأْكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلْخَـٰطِـُٔونَ
37. Aanay cidi cunin geflowyada maahee.
69 : 38
فَلَآ أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ
38. Mayee, waxaan ku dhaartay waxaad aragtaan.
69 : 39
وَمَا لَا تُبْصِرُونَ
39. Iyo wax aydaan aragba,
69 : 40
إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ
40. Kani hubaal waa hadal (Alle) uu keenay Rasuul sharaf leh (Nabi Muxammad s.c.w.)
69 : 41
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تُؤْمِنُونَ
41. Ma aha hadal gabyaa, yaraa intaad rumeysaan.
69 : 42
وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ
42. ama hadal curraafle, yaraa intaad waantowdaan.
69 : 43
تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
43. Waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka (Allaah).
69 : 44
وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ ٱلْأَقَاوِيلِ
44. Hadduu (Nabi Muxammad) naga been sheegi lahaa;
69 : 45
لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِٱلْيَمِينِ
45. Waxaan ku qaban laheyn gacanta Midig.
69 : 46
ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ ٱلْوَتِينَ
46. Oo waxaan goyn laheyn halbowlaha.
69 : 47
فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَـٰجِزِينَ
47. Ma jiro qof idinka mid ahi oo naga celin lahaa.
69 : 48
وَإِنَّهُۥ لَتَذْكِرَةٌ لِّلْمُتَّقِينَ
48. (Qur'aanku) waa u waano kuwa ka dhowrsada xumaha ee Alle u hoggaansan.
69 : 49
وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ
49. Waan ognahay dhabtii inay idinka mid yihiin kuwa beeniya (Xaqa).
69 : 50
وَإِنَّهُۥ لَحَسْرَةٌ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ
50. (Qur’aanku) hubaal waa qoomamada gaalada (Maalinta Qiyaame).
69 : 51
وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلْيَقِينِ
51. Waana xaq dhab ah oo la hubo.
69 : 52
فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ
52. Ee ku tasbiixso, oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan [4].