68 : 1
نٓ ۚ وَٱلْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ
1. Nuun [1].
Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.
★
68 : 2
مَآ أَنتَ بِنِعْمَةِ رَبِّكَ بِمَجْنُونٍ
2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.
★
68 : 3
وَإِنَّ لَكَ لَأَجْرًا غَيْرَ مَمْنُونٍ
3.Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.
★
68 : 4
وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ
4. Waxaa xaqiiq kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad san oo sare.
★
68 : 5
فَسَتُبْصِرُ وَيُبْصِرُونَ
5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,
★
68 : 6
بِأَييِّكُمُ ٱلْمَفْتُونُ
6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo).
★
68 : 7
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ
7. Hubaal Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan.
★
68 : 8
فَلَا تُطِعِ ٱلْمُكَذِّبِينَ
8. Ee ha adeecin xaq beeniyayaasha.
★
68 : 9
وَدُّوا۟ لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ
9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan.
★
68 : 10
وَلَا تُطِعْ كُلَّ حَلَّافٍ مَّهِينٍ
10. Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn.
★
68 : 11
هَمَّازٍ مَّشَّآءٍۭ بِنَمِيمٍ
11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah).
★
68 : 12
مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan.
★
68 : 13
عُتُلٍّۭ بَعْدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ
13. macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn).
★
68 : 14
أَن كَانَ ذَا مَالٍ وَبَنِينَ
14. Haba lahaadee maal iyo wiilal.
★
68 : 15
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَـٰتُنَا قَالَ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
15. Kaasoo marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore.
★
68 : 16
سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلْخُرْطُومِ
16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa.
★
68 : 17
إِنَّا بَلَوْنَـٰهُمْ كَمَا بَلَوْنَآ أَصْحَـٰبَ ٱلْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا۟ لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ
17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaheeda aroorta hore.
★
68 : 18
وَلَا يَسْتَثْنُونَ
18. Iyagoon dhihin inshaa Allaah (dooneyna inay qayb u dhigaan saboolka).
★
68 : 19
فَطَافَ عَلَيْهَا طَآئِفٌ مِّن رَّبِّكَ وَهُمْ نَآئِمُونَ
19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen.
★
68 : 20
فَأَصْبَحَتْ كَٱلصَّرِيمِ
20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.
★
68 : 21
فَتَنَادَوْا۟ مُصْبِحِينَ
21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,
★
68 : 22
أَنِ ٱغْدُوا۟ عَلَىٰ حَرْثِكُمْ إِن كُنتُمْ صَـٰرِمِينَ
22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.
★
68 : 23
فَٱنطَلَقُوا۟ وَهُمْ يَتَخَـٰفَتُونَ
23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,
★
68 : 24
أَن لَّا يَدْخُلَنَّهَا ٱلْيَوْمَ عَلَيْكُم مِّسْكِينٌ
24. Inuusan qof miskiin ah u soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).
★
68 : 25
وَغَدَوْا۟ عَلَىٰ حَرْدٍ قَـٰدِرِينَ
25. Waxayna kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).
★
68 : 26
فَلَمَّا رَأَوْهَا قَالُوٓا۟ إِنَّا لَضَآلُّونَ
26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: xaqiiq waanu dhunnay.
★
68 : 27
بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ
27. Mayee, waa la ina hoojiyey .
★
68 : 28
قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ
28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) u tasbiixsada oo hufa?
★
68 : 29
قَالُوا۟ سُبْحَـٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَـٰلِمِينَ
29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Hubaal Waanu gefnay.
★
68 : 30
فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَلَـٰوَمُونَ
30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.
★
68 : 31
قَالُوا۟ يَـٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَـٰغِينَ
31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.
★
68 : 32
عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِّنْهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ
32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu xaqiiq khayr ka rajeyne.
★
68 : 33
كَذَٰلِكَ ٱلْعَذَابُ ۖ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ
33. Waa sidaas cadaabku. Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn. Hadday ogaan lahaayeen.
★
68 : 34
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ
34. Hubaal kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa Jannooyin barwaaqo ah.
★
68 : 35
أَفَنَجْعَلُ ٱلْمُسْلِمِينَ كَٱلْمُجْرِمِينَ
35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.
★
68 : 36
مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ
36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?
★
68 : 37
أَمْ لَكُمْ كِتَـٰبٌ فِيهِ تَدْرُسُونَ
37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan -
★
68 : 38
إِنَّ لَكُمْ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ
38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?
★
68 : 39
أَمْ لَكُمْ أَيْمَـٰنٌ عَلَيْنَا بَـٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۙ إِنَّ لَكُمْ لَمَا تَحْكُمُونَ
39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?
★
68 : 40
سَلْهُمْ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ
40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.
★
68 : 41
أَمْ لَهُمْ شُرَكَآءُ فَلْيَأْتُوا۟ بِشُرَكَآئِهِمْ إِن كَانُوا۟ صَـٰدِقِينَ
41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.
★
68 : 42
يَوْمَ يُكْشَفُ عَن سَاقٍ وَيُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ
42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo 'dhudhunka Alle' [2] oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).
★
68 : 43
خَـٰشِعَةً أَبْصَـٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۖ وَقَدْ كَانُوا۟ يُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمْ سَـٰلِمُونَ
43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow 'mase yeelin'.
★
68 : 44
فَذَرْنِى وَمَن يُكَذِّبُ بِهَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ ۖ سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ
44. Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan fileyn.
★
68 : 45
وَأُمْلِى لَهُمْ ۚ إِنَّ كَيْدِى مَتِينٌ
45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag.
★
68 : 46
أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ
46. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?
★
68 : 47
أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ
47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?
★
68 : 48
فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلْحُوتِ إِذْ نَادَىٰ وَهُوَ مَكْظُومٌ
48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,
★
68 : 49
لَّوْلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعْمَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلْعَرَآءِ وَهُوَ مَذْمُومٌ
49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan.
★
68 : 50
فَٱجْتَبَـٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan.
★
68 : 51
وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَيُزْلِقُونَكَ بِأَبْصَـٰرِهِمْ لَمَّا سَمِعُوا۟ ٱلذِّكْرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجْنُونٌ
51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole.
★
68 : 52
وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَـٰلَمِينَ
52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan.
★