56 : 1
إِذَا وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ
1. Markay dhacdada weyni dhacdo [1].
56 : 2
لَيْسَ لِوَقْعَتِهَا كَاذِبَةٌ
2. Ma jiro dhiciddeeda wax beenin.
56 : 3
خَافِضَةٌ رَّافِعَةٌ
3. Hoos u dhigeysa (ehlu Naarka) kor u qaadeysa 'ehlu Jannaha' [2].
56 : 4
إِذَا رُجَّتِ ٱلْأَرْضُ رَجًّا
4. Marka la gilgilo dhulka gilgilid daran.
56 : 5
وَبُسَّتِ ٱلْجِبَالُ بَسًّا
5. Buuraha la ridqo ridqin daran.
56 : 6
فَكَانَتْ هَبَآءً مُّنۢبَثًّا
6. Oo ay noqoto sida boor firdhisan.
56 : 7
وَكُنتُمْ أَزْوَٰجًا ثَلَـٰثَةً
7. Oo aad ahaataan (dadow) saddex nooc.
56 : 8
فَأَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ
8. Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwa ah Gacanta Midig?
56 : 9
وَأَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ
9. Kuwase ah Gacanta Bidix, waayo kuwa ah Gacanta Bidix?
56 : 10
وَٱلسَّـٰبِقُونَ ٱلسَّـٰبِقُونَ
10. Kuwa u hor mara (Iimaanka iyo falashada camallada wanaagsan) iyagaa horreyn [3].
56 : 11
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلْمُقَرَّبُونَ
11. Waa kuwa loo soo dhoweyn (Ilaahay).
56 : 12
فِى جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ
12. Waxay Ku sugnaan Beero barwaaqo ah gudahood (jannooyin).
56 : 13
ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ
13. (Ay geli) jameeco badan oo ah horraankii (ummadan iyo ummadaha kaleba).
56 : 14
وَقَلِيلٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ
14.Iyo in yar oo ka mid ah facyadii dambe [4].
56 : 15
عَلَىٰ سُرُرٍ مَّوْضُونَةٍ
15. Iyagoo ku sugnaan sariiro dahab lagu qurxiyey.
56 : 16
مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيْهَا مُتَقَـٰبِلِينَ
16. Ku dangiigsan korkeeda, si fool ka fool ah.
56 : 17
يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ
17. Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doona,
56 : 18
بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ
18. Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo (khamri saafi ah) xagga il socota (Jannada).
56 : 19
لَّا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنزِفُونَ
19. Aanu marnaba madaxu ku wareerin kuna maan guurin.
56 : 20
وَفَـٰكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ
20. Iyo midho waxay doortaan ah.
56 : 21
وَلَحْمِ طَيْرٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ
21. Iyo hilib shimbiro kay rabaanba.
56 : 22
وَحُورٌ عِينٌ
22. Oo (ay u wehelin doonaan) xuurul cayn.
56 : 23
كَأَمْثَـٰلِ ٱللُّؤْلُؤِ ٱلْمَكْنُونِ
23. La moodo luul la dhowray.
56 : 24
جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
24. Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen.
56 : 25
لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا
25. Kuma maqlaan (Jannada) hadal macno darro ah iyo denbi midna.
56 : 26
إِلَّا قِيلًا سَلَـٰمًا سَلَـٰمًا
26. Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad.
56 : 27
وَأَصْحَـٰبُ ٱلْيَمِينِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْيَمِينِ
27. Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwaa ah Gacanta Midig (ehlu Jannaha)?
56 : 28
فِى سِدْرٍ مَّخْضُودٍ
28. (Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn.
56 : 29
وَطَلْحٍ مَّنضُودٍ
29. Iyo geedo Muus ah midho karooran.
56 : 30
وَظِلٍّ مَّمْدُودٍ
30. Iyo har fidsan,
56 : 31
وَمَآءٍ مَّسْكُوبٍ
31. Iyo biyo u socda joogto,
56 : 32
وَفَـٰكِهَةٍ كَثِيرَةٍ
32. Iyo midho tiro badan.
56 : 33
لَّا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ
33. Marnaba aan go’eyn, la isuna diideyn.
56 : 34
وَفُرُشٍ مَّرْفُوعَةٍ
34. iyo joodariyaal sare loo qaaday (oo sariiro saaran).
56 : 35
إِنَّآ أَنشَأْنَـٰهُنَّ إِنشَآءً
35. Waxaan Annaga (Alle ah) ka yeeli inay soo baxaan iyaga (haweenka Jannada) soo bixid gaar ah.
56 : 36
فَجَعَلْنَـٰهُنَّ أَبْكَارًا
36. Kana dhigi bikrooyin ugub ah.
56 : 37
عُرُبًا أَتْرَابًا
37. Gacalooyin (jecel nimankooda), isku wada da’ ah.
56 : 38
لِّأَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ
38. Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig.
56 : 39
ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ
39. Kuwo badan oo ka mid ah waa facyadii hore.
56 : 40
وَثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ
40. Kuwo badan oo ka mid ahna facyada dambe.
56 : 41
وَأَصْحَـٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلشِّمَالِ
41.Kuwase ah Gacanta Bidix- waayo kuwaa ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka)?
56 : 42
فِى سَمُومٍ وَحَمِيمٍ
42. Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya.
56 : 43
وَظِلٍّ مِّن يَحْمُومٍ
43. Iyo hoos qiiq badan.
56 : 44
لَّا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ
44. Aan laheyn qabow iyo arag fiican midna.
56 : 45
إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُتْرَفِينَ
45. Waxay ahaayeen taa horteed (adduunka) kuwo ku raaxeysta (xaaraan).
56 : 46
وَكَانُوا۟ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلْحِنثِ ٱلْعَظِيمِ
46. Oo waxay ku adkeysan jireen Denbiga weyn (shirkiga).
56 : 47
وَكَانُوا۟ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ
47. Waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo nooleyn (dhimashada kaddib)?.
56 : 48
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلْأَوَّلُونَ
48. Sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)?
56 : 49
قُلْ إِنَّ ٱلْأَوَّلِينَ وَٱلْـَٔاخِرِينَ
49. Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba.
56 : 50
لَمَجْمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَـٰتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
50. Waxaa hubaal loo soo kulmin wada jir madal Maalin la yaqaan (Qiyaamada).
56 : 51
ثُمَّ إِنَّكُمْ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلْمُكَذِّبُونَ
51. Markaas idinka kuwiinan habowsana- yaasha ahow, ee beeniyow (Qiyaamaha).
56 : 52
لَـَٔاكِلُونَ مِن شَجَرٍ مِّن زَقُّومٍ
52. Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah [5].
56 : 53
فَمَالِـُٔونَ مِنْهَا ٱلْبُطُونَ
53. Oo ka buuxineysaan caloolihiinna.
56 : 54
فَشَـٰرِبُونَ عَلَيْهِ مِنَ ٱلْحَمِيمِ
54. Waxaad ku dul cabbeyssan biyo kulul oo karkaraya.
56 : 55
فَشَـٰرِبُونَ شُرْبَ ٱلْهِيمِ
55. U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay.
56 : 56
هَـٰذَا نُزُلُهُمْ يَوْمَ ٱلدِّينِ
56. Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha).
56 : 57
نَحْنُ خَلَقْنَـٰكُمْ فَلَوْلَا تُصَدِّقُونَ
57. Annagaa (Alle ah) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen?
56 : 58
أَفَرَءَيْتُم مَّا تُمْنُونَ
58. Ma u fiirsateen minada idinka timaadda (biyo bixiinna - shawada)?
56 : 59
ءَأَنتُمْ تَخْلُقُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلْخَـٰلِقُونَ
59. Ma idinkaa abuura mise waa Annaga (Alle ah) Abuurayaasha?
56 : 60
نَحْنُ قَدَّرْنَا بَيْنَكُمُ ٱلْمَوْتَ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ
60. Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, mana jiro qof naga baxsan kara.
56 : 61
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمْثَـٰلَكُمْ وَنُنشِئَكُمْ فِى مَا لَا تَعْلَمُونَ
61. Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn.
56 : 62
وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُولَىٰ فَلَوْلَا تَذَكَّرُونَ
62. Waadna og tihiin abuuriddii hore, ee miyeydaan waantoobeyn?
56 : 63
أَفَرَءَيْتُم مَّا تَحْرُثُونَ
63. Ma u fiirsateen waxaad beertaan?;
56 : 64
ءَأَنتُمْ تَزْرَعُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلزَّٰرِعُونَ
64. Ma idinkaa soo bixiya, mise waa Annaga (Alle ah) Kuwa soo Bixiya?
56 : 65
لَوْ نَشَآءُ لَجَعَلْنَـٰهُ حُطَـٰمًا فَظَلْتُمْ تَفَكَّهُونَ
65. Haddaan Doonno,waxaan ka dhigeynaa xaabo engagan, markaasaad ka xumaan.
56 : 66
إِنَّا لَمُغْرَمُونَ
66. (idinkoo leh): Waa nala khasaariyey.
56 : 67
بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ
67. Balse waa nala hoojiyey.
56 : 68
أَفَرَءَيْتُمُ ٱلْمَآءَ ٱلَّذِى تَشْرَبُونَ
68. Ma u fiirsateen biyahaad cabtaan?
56 : 69
ءَأَنتُمْ أَنزَلْتُمُوهُ مِنَ ٱلْمُزْنِ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنزِلُونَ
69. Ma idinkaa kuwa ka soo dejiya daruura- ha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya?
56 : 70
لَوْ نَشَآءُ جَعَلْنَـٰهُ أُجَاجًا فَلَوْلَا تَشْكُرُونَ
70.Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin), ee maad ku shukridaan (Alle)?
56 : 71
أَفَرَءَيْتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِى تُورُونَ
71. Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan.
56 : 72
ءَأَنتُمْ أَنشَأْتُمْ شَجَرَتَهَآ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنشِـُٔونَ
72. Ma idinkaa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga (Alle ah) weeye soo saarayaasha?
56 : 73
نَحْنُ جَعَلْنَـٰهَا تَذْكِرَةً وَمَتَـٰعًا لِّلْمُقْوِينَ
73. Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha 'iyo qeyrkoodba' [6].
56 : 74
فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ
74. Ee xurmee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.
56 : 75
۞ فَلَآ أُقْسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ
75. Mayee, waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan.
56 : 76
وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٌ لَّوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ
76. Xaqiiqna waa dhaar weyn, haddaad ogaan lahaydeen.
56 : 77
إِنَّهُۥ لَقُرْءَانٌ كَرِيمٌ
77. Hubaal kani waa Qur'aan Sharaf Badan.
56 : 78
فِى كِتَـٰبٍ مَّكْنُونٍ
78. Ku yaal Kitaab aad la dhowray (Looxa Maxfuudka).
56 : 79
لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلْمُطَهَّرُونَ
79. Cidna taaban kuwa la daahiriyey mooyee (malaa’igta).
56 : 80
تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
80. Waa soo dejinta Rabbiga uumanka.
56 : 81
أَفَبِهَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَنتُم مُّدْهِنُونَ
81. Ma warkan (Qur’aanka) baad (gaaloy) u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn?
56 : 82
وَتَجْعَلُونَ رِزْقَكُمْ أَنَّكُمْ تُكَذِّبُونَ
82. oo aad ka yeeleysaan (mahaddii) risiqiinna beenin (Xaqa).
56 : 83
فَلَوْلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلْحُلْقُومَ
83. Maxaydaan markay (naftu) dhuunta gaadho.
56 : 84
وَأَنتُمْ حِينَئِذٍ تَنظُرُونَ
84. Idinkuna markaas aad u jeeddaan (qofka dhiman).
56 : 85
وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنكُمْ وَلَـٰكِن لَّا تُبْصِرُونَ
85. Annaguna (Alle ah Ogaal iyo Awood ahaan iyo malaa’igtayada) idiinka dhownahay, laakiinse aydaan arkayn.
56 : 86
فَلَوْلَآ إِن كُنتُمْ غَيْرَ مَدِينِينَ
86. Haddaad tihiin kuwo aan la soo bixineyn oo la xisaabineyn (Aakhirada).
56 : 87
تَرْجِعُونَهَآ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
87. Maxaad Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddaad run sheegeysaan?
56 : 88
فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ
88. Hadduu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah).
56 : 89
فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ
89. Waxaa u ahaaday raaxo, reynreyn, reexaan udgoon iyo Janno barwaaqo ah.
56 : 90
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ
90. Hadduu ka mid yahayse kuwa ah gacanta midig (ehlu Jannada).
56 : 91
فَسَلَـٰمٌ لَّكَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ
91. Nabad baa idiin sugnaatay kuwa ahow gacanta midig.
56 : 92
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ
92. Haddiise uu ka mid yahay (Xaq) beeniyayaasha, habowsanaaysaha ah.
56 : 93
فَنُزُلٌ مِّنْ حَمِيمٍ
93. Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya.
56 : 94
وَتَصْلِيَةُ جَحِيمٍ
94. Iyo ku gubasho Dabka aan dameyn ee ololka badan (Naarta).
56 : 95
إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلْيَقِينِ
95. Arrinkani waa run la hubo oo xaqiiq ah.
56 : 96
فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ
96. Ee xurmee oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.