52 : 1
وَٱلطُّورِ
1. Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay' [1].
52 : 2
وَكِتَـٰبٍ مَّسْطُورٍ
2. Iyo Kitaab qoran [2].
52 : 3
فِى رَقٍّ مَّنشُورٍ
3. Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan.
52 : 4
وَٱلْبَيْتِ ٱلْمَعْمُورِ
4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto [3].
52 : 5
وَٱلسَّقْفِ ٱلْمَرْفُوعِ
5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada).
52 : 6
وَٱلْبَحْرِ ٱلْمَسْجُورِ
6. Iyo badda lagu huriyey 'dabka ama soo fatahda' [4].
52 : 7
إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٌ
7. Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -
52 : 8
مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٍ
8. Ma jiro wax celin.
52 : 9
يَوْمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوْرًا
9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,
52 : 10
وَتَسِيرُ ٱلْجِبَالُ سَيْرًا
10. Buuruhuna socon socosho (yaab) leh [5].
52 : 11
فَوَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).
52 : 12
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى خَوْضٍ يَلْعَبُونَ
12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.
52 : 13
يَوْمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا
13. Maalinka loogu tuuri Naarta Jahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):
52 : 14
هَـٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِى كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
14. Waa tan Naartii aad beenin jirteen.
52 : 15
أَفَسِحْرٌ هَـٰذَآ أَمْ أَنتُمْ لَا تُبْصِرُونَ
15. Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?
52 : 16
ٱصْلَوْهَا فَٱصْبِرُوٓا۟ أَوْ لَا تَصْبِرُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْكُمْ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
16. Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah).
52 : 17
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَنَعِيمٍ
17. Kuwa ka dhowrsada xumaha [6] waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).
52 : 18
فَـٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ وَوَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ
18. Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan.
52 : 19
كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
19. (Waxaa lagu odhan): Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).
52 : 20
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٍ مَّصْفُوفَةٍ ۖ وَزَوَّجْنَـٰهُم بِحُورٍ عِينٍ
20. Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).
52 : 21
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَٱتَّبَعَتْهُمْ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَـٰنٍ أَلْحَقْنَا بِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَمَآ أَلَتْنَـٰهُم مِّنْ عَمَلِهِم مِّن شَىْءٍ ۚ كُلُّ ٱمْرِئٍۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٌ
21. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa.
52 : 22
وَأَمْدَدْنَـٰهُم بِفَـٰكِهَةٍ وَلَحْمٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ
22. Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan.
52 : 23
يَتَنَـٰزَعُونَ فِيهَا كَأْسًا لَّا لَغْوٌ فِيهَا وَلَا تَأْثِيمٌ
23. Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.
52 : 24
۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ غِلْمَانٌ لَّهُمْ كَأَنَّهُمْ لُؤْلُؤٌ مَّكْنُونٌ
24. Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray.
52 : 25
وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ
25. Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan.
52 : 26
قَالُوٓا۟ إِنَّا كُنَّا قَبْلُ فِىٓ أَهْلِنَا مُشْفِقِينَ
26. Waxay odhan: Waxaan ka hor 'intaan adduunka joognay' ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadaabka Alle).
52 : 27
فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيْنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ
27. Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.
52 : 28
إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلُ نَدْعُوهُ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْبَرُّ ٱلرَّحِيمُ
28. Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Isaga xaqiiq Baarriga, Naxariista Badan.
52 : 29
فَذَكِّرْ فَمَآ أَنتَ بِنِعْمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٍ وَلَا مَجْنُونٍ
29. Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.
52 : 30
أَمْ يَقُولُونَ شَاعِرٌ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيْبَ ٱلْمَنُونِ
30. Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman [7].
52 : 31
قُلْ تَرَبَّصُوا۟ فَإِنِّى مَعَكُم مِّنَ ٱلْمُتَرَبِّصِينَ
31. Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca).
52 : 32
أَمْ تَأْمُرُهُمْ أَحْلَـٰمُهُم بِهَـٰذَآ ۚ أَمْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ
32. Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.
52 : 33
أَمْ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥ ۚ بَل لَّا يُؤْمِنُونَ
33. Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).
52 : 34
فَلْيَأْتُوا۟ بِحَدِيثٍ مِّثْلِهِۦٓ إِن كَانُوا۟ صَـٰدِقِينَ
34. Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.
52 : 35
أَمْ خُلِقُوا۟ مِنْ غَيْرِ شَىْءٍ أَمْ هُمُ ٱلْخَـٰلِقُونَ
35. Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.
52 : 36
أَمْ خَلَقُوا۟ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ ۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ
36. Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.
52 : 37
أَمْ عِندَهُمْ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمْ هُمُ ٱلْمُصَۣيْطِرُونَ
37. Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?
52 : 38
أَمْ لَهُمْ سُلَّمٌ يَسْتَمِعُونَ فِيهِ ۖ فَلْيَأْتِ مُسْتَمِعُهُم بِسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ
38. Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad.
52 : 39
أَمْ لَهُ ٱلْبَنَـٰتُ وَلَكُمُ ٱلْبَنُونَ
39. Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?
52 : 40
أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ
40. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?
52 : 41
أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ
41. Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.
52 : 42
أَمْ يُرِيدُونَ كَيْدًا ۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ هُمُ ٱلْمَكِيدُونَ
42. Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.
52 : 43
أَمْ لَهُمْ إِلَـٰهٌ غَيْرُ ٱللَّهِ ۚ سُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ
43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Alle waa ka hufan yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
52 : 44
وَإِن يَرَوْا۟ كِسْفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطًا يَقُولُوا۟ سَحَابٌ مَّرْكُومٌ
44. Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya [8] waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).
52 : 45
فَذَرْهُمْ حَتَّىٰ يُلَـٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى فِيهِ يُصْعَقُونَ
45. Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).
52 : 46
يَوْمَ لَا يُغْنِى عَنْهُمْ كَيْدُهُمْ شَيْـًٔا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ
46. Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.
52 : 47
وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ عَذَابًا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
47. Waxay xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow 'adduunka gudahi' [9] badankooduse ma ay oga.
52 : 48
وَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا ۖ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ
48. Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.
52 : 49
وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَإِدْبَـٰرَ ٱلنُّجُومِ
49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).