51 : 1
وَٱلذَّٰرِيَـٰتِ ذَرْوًا
1. Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya [1].
★
51 : 2
فَٱلْحَـٰمِلَـٰتِ وِقْرًا
2. Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).
★
51 : 3
فَٱلْجَـٰرِيَـٰتِ يُسْرًا
3. Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha).
★
51 : 4
فَٱلْمُقَسِّمَـٰتِ أَمْرًا
4. Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.
★
51 : 5
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌ
5. (Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) xaqiiq waa run.
★
51 : 6
وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٌ
6. Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso.
★
51 : 7
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْحُبُكِ
7. Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,
★
51 : 8
إِنَّكُمْ لَفِى قَوْلٍ مُّخْتَلِفٍ
8. Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan .
★
51 : 9
يُؤْفَكُ عَنْهُ مَنْ أُفِكَ
9. Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa.
★
51 : 10
قُتِلَ ٱلْخَرَّٰصُونَ
10. Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan.
★
51 : 11
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى غَمْرَةٍ سَاهُونَ
11. Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada).
★
51 : 12
يَسْـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلدِّينِ
12. Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?
★
51 : 13
يَوْمَ هُمْ عَلَى ٱلنَّارِ يُفْتَنُونَ
13. Waa Maalinta Naarta lagu gubi.
★
51 : 14
ذُوقُوا۟ فِتْنَتَكُمْ هَـٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تَسْتَعْجِلُونَ
14. Dhadhamiya cadaabkiinna. Kanu waa waxaad degdegsanayseen.
★
51 : 15
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ
15. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno).
★
51 : 16
ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُحْسِنِينَ
16. Iyagoo qaadan waxa uu Rabbigood siiyey. Waxay ahaayeen horay sama falayaal.
★
51 : 17
كَانُوا۟ قَلِيلًا مِّنَ ٱلَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ
17. Waxay seexan jireen habeenkii wax yar ma ahee [2].
★
51 : 18
وَبِٱلْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ
18. Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,
★
51 : 19
وَفِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّ لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ
19. Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan.
★
51 : 20
وَفِى ٱلْأَرْضِ ءَايَـٰتٌ لِّلْمُوقِنِينَ
20. Dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa yaqiinsan.
★
51 : 21
وَفِىٓ أَنفُسِكُمْ ۚ أَفَلَا تُبْصِرُونَ
21. Iyo nafahiinnaba, ee miyeydaan arkeyn.
★
51 : 22
وَفِى ٱلسَّمَآءِ رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ
22. Samada yuuna jiraa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay.
★
51 : 23
فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ إِنَّهُۥ لَحَقٌّ مِّثْلَ مَآ أَنَّكُمْ تَنطِقُونَ
23. Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba.
★
51 : 24
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ضَيْفِ إِبْرَٰهِيمَ ٱلْمُكْرَمِينَ
24. Ma ku soo gaaray warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd?
★
51 : 25
إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَقَالُوا۟ سَلَـٰمًا ۖ قَالَ سَلَـٰمٌ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ
25. Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn.
★
51 : 26
فَرَاغَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ فَجَآءَ بِعِجْلٍ سَمِينٍ
26. Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.
★
51 : 27
فَقَرَّبَهُۥٓ إِلَيْهِمْ قَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ
27. Una soo dhoweeyey (isagoo ku leh): Miyeydaan cunayn?
★
51 : 28
فَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً ۖ قَالُوا۟ لَا تَخَفْ ۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَـٰمٍ عَلِيمٍ
28. (Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq).
★
51 : 29
فَأَقْبَلَتِ ٱمْرَأَتُهُۥ فِى صَرَّةٍ فَصَكَّتْ وَجْهَهَا وَقَالَتْ عَجُوزٌ عَقِيمٌ
29. Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!.
★
51 : 30
قَالُوا۟ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ ۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْعَلِيمُ
30. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waa Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon.
★
51 : 31
۞ قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا ٱلْمُرْسَلُونَ
31.(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?
★
51 : 32
قَالُوٓا۟ إِنَّآ أُرْسِلْنَآ إِلَىٰ قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ
32.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah [3].
★
51 : 33
لِنُرْسِلَ عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن طِينٍ
33. Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.
★
51 : 34
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلْمُسْرِفِينَ
34. Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha [4].
★
51 : 35
فَأَخْرَجْنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
35. Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.
★
51 : 36
فَمَا وَجَدْنَا فِيهَا غَيْرَ بَيْتٍ مِّنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
36. Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah [5].
★
51 : 37
وَتَرَكْنَا فِيهَآ ءَايَةً لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ
37. Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo [6] kuwa 'mu'miniinta' ka cabsada cadaabka xanuunka badan.
★
51 : 38
وَفِى مُوسَىٰٓ إِذْ أَرْسَلْنَـٰهُ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ بِسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ
38. Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad.
★
51 : 39
فَتَوَلَّىٰ بِرُكْنِهِۦ وَقَالَ سَـٰحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ
39. Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: 'Kani Muuse' waa saaxir ama jinnoole.
★
51 : 40
فَأَخَذْنَـٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذْنَـٰهُمْ فِى ٱلْيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌ
40. Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.
★
51 : 41
وَفِى عَادٍ إِذْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلْعَقِيمَ
41. Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah [7].
★
51 : 42
مَا تَذَرُ مِن شَىْءٍ أَتَتْ عَلَيْهِ إِلَّا جَعَلَتْهُ كَٱلرَّمِيمِ
42. Wax kama tegin ay ku timid inay ka
dhigtay maahee digada oo kale.
★
51 : 43
وَفِى ثَمُودَ إِذْ قِيلَ لَهُمْ تَمَتَّعُوا۟ حَتَّىٰ حِينٍ
43. Reer Thamuudna (calaamo baa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.
★
51 : 44
فَعَتَوْا۟ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّـٰعِقَةُ وَهُمْ يَنظُرُونَ
44. Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey.
★
51 : 45
فَمَا ٱسْتَطَـٰعُوا۟ مِن قِيَامٍ وَمَا كَانُوا۟ مُنتَصِرِينَ
45. Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.
★
51 : 46
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَـٰسِقِينَ
46. Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo fallaago ah.
★
51 : 47
وَٱلسَّمَآءَ بَنَيْنَـٰهَا بِأَيْي۟دٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ
47. Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga (Alle ah) kuwa waasiciya.
★
51 : 48
وَٱلْأَرْضَ فَرَشْنَـٰهَا فَنِعْمَ ٱلْمَـٰهِدُونَ
48. Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu.
★
51 : 49
وَمِن كُلِّ شَىْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
49. Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.
★
51 : 50
فَفِرُّوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ ۖ إِنِّى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
50. Ee u carara xagga Alle [8], waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
★
51 : 51
وَلَا تَجْعَلُوا۟ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ ۖ إِنِّى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
51. Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
★
51 : 52
كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُوا۟ سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ
52. Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole.
★
51 : 53
أَتَوَاصَوْا۟ بِهِۦ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ
53. Miyey iskula dardaarmeen arrinkani [9]? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.
★
51 : 54
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٍ
54. Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede.
★
51 : 55
وَذَكِّرْ فَإِنَّ ٱلذِّكْرَىٰ تَنفَعُ ٱلْمُؤْمِنِينَ
55. Waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta.
★
51 : 56
وَمَا خَلَقْتُ ٱلْجِنَّ وَٱلْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ
56. Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan [10].
★
51 : 57
مَآ أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ
57. Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga).
★
51 : 58
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلْقُوَّةِ ٱلْمَتِينُ
58. Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.
★
51 : 59
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ذَنُوبًا مِّثْلَ ذَنُوبِ أَصْحَـٰبِهِمْ فَلَا يَسْتَعْجِلُونِ
59. Xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxaa u sugnaaday saami 'Cadaab ah' la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).
★
51 : 60
فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن يَوْمِهِمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ
60. Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).
★