111 : 1
تَبَّتْ يَدَآ أَبِى لَهَبٍ وَتَبَّ
1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab [1], hoogyeyna [2].
111 : 2
مَآ أَغْنَىٰ عَنْهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ
2. Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday.
111 : 3
سَيَصْلَىٰ نَارًا ذَاتَ لَهَبٍ
3. Wuxuu geli oo ku guban Naar olol badan.
111 : 4
وَٱمْرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلْحَطَبِ
4. Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta, xinta iyo dirdirada badan),
111 : 5
فِى جِيدِهَا حَبْلٌ مِّن مَّسَدٍۭ
5. Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar) ah.