108 : 1
إِنَّآ أَعْطَيْنَـٰكَ ٱلْكَوْثَرَ
1. Waxaanu xaqiiq ku siinnay (Nabi Muxammadow) Al-Kawthar (webi ah Jannada iyo khayr tiro badan).
★
108 : 2
فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَٱنْحَرْ
2. Ee u tuko Rabbigaa Dartiis, (oo u) gawrac xoolo (adigoo Isaga Keliya Magaciisa ku xusi, uguna dhowaan).
★
108 : 3
إِنَّ شَانِئَكَ هُوَ ٱلْأَبْتَرُ
3.Hubaal nacabkaaga waa kan cidhib go’i [1].
★