104 : 1
وَيْلٌ لِّكُلِّ هُمَزَةٍ لُّمَزَةٍ
1. Hoog waxaa leh dure kasta, wax xanta.
104 : 2
ٱلَّذِى جَمَعَ مَالًا وَعَدَّدَهُۥ
2. Kaasoo maal ururiya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay: sakada, iwm);
104 : 3
يَحْسَبُ أَنَّ مَالَهُۥٓ أَخْلَدَهُۥ
3. Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin.
104 : 4
كَلَّا ۖ لَيُنۢبَذَنَّ فِى ٱلْحُطَمَةِ
4. Mayee! Waxaa lagu tuuri burburisada.
104 : 5
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْحُطَمَةُ
5. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay burburisadu tahay?
104 : 6
نَارُ ٱللَّهِ ٱلْمُوقَدَةُ
6. Waa Naar Alle oo la huriyey.
104 : 7
ٱلَّتِى تَطَّلِعُ عَلَى ٱلْأَفْـِٔدَةِ
7. Ee kor ugu baxda quluubta dushooda (iyadoo gubeysa),
104 : 8
إِنَّهَا عَلَيْهِم مُّؤْصَدَةٌ
8. Waxaa lagaga xidhi dusha (gaalada).
104 : 9
فِى عَمَدٍ مُّمَدَّدَةٍۭ
9. Tiirar la taagay dhexdood.