101 : 1
ٱلْقَارِعَةُ
1.Garaacdada (qalbiyada waa Qiyaamada).
★
101 : 2
مَا ٱلْقَارِعَةُ
2. Maxay tahay Garaacdadu?.
★
101 : 3
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْقَارِعَةُ
3. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay Garaacdadu?
★
101 : 4
يَوْمَ يَكُونُ ٱلنَّاسُ كَٱلْفَرَاشِ ٱلْمَبْثُوثِ
4. Waa Maalintay dadku noqon sida baalallay kala firdhay.
★
101 : 5
وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ ٱلْمَنفُوشِ
5. Oo buurahu noqon sida cudbi la dhilay.
★
101 : 6
فَأَمَّا مَن ثَقُلَتْ مَوَٰزِينُهُۥ
6. Qofka miisaankiisa (camallada wanaagsan) uu culeys yahay.
★
101 : 7
فَهُوَ فِى عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ
7. Wuxuu ku noolaan nolol barwaaqo iyo farxad leh oo raalli lagu yahay (Janno).
★
101 : 8
وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَٰزِينُهُۥ
8. Qofkase uu miisaankiisa (camallada wanaagsan) fudeyd yahay.
★
101 : 9
فَأُمُّهُۥ هَاوِيَةٌ
9. Hoygiisu waa Haawiya.
★
101 : 10
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا هِيَهْ
10. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay?
★
101 : 11
نَارٌ حَامِيَةٌۢ
11. (Waa) Naar kuleyl badan.
★